2130 Views

RW Khayre Oo Sheegay In Dalka Dhan Uu Ubaahanayahay in Is-xilqaan Lagu Dhisaa

RW Khayre Oo Sheegay In Dalka Dhan Uu Ubaahanayahay in Is-xilqaan Lagu Dhisaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sepetmebr 17, 2018 Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in barnaamijka is-xilqaan uu fursad wanaagsan u yahay dib u dhiska dalka iyo wanaajinta dhaxalka jiilka soo koraya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda iyo waqtigooda ay ku bixiyaan barnaamijka is-xilqaan si dib loogu dhiso dalka oo dhan, danaha qarankana si wadajir ah looga shaqeeyo.

“Waa in is-xilqaan lagu dhisaa dalka oo dhan, shacabka oo dhanna ay ka qayb qaataan, waa in ay ka qayb qaataan madaxda qaranku oo ay isxilqaan dalka ku dhisaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha XFS.

“Waxaa Muuqda horumar wayn oo ay ku tillaabsadeen shacabka Soomaaliyeed maadaama ay billaabeen in dalkooda ay dib u dhisaan iyaga oo isticmaalaya hal-ku-dhigga “Is-xilqaan”, ayuu sheegay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirkii golaha wasiirrada ee lagu qabtay magaalada Garowe ayaa lagu ansixyay barnaaminka is-xilqaan oo lagu dhisayo guud ahaan xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

44400 g1 g2 g3

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment