996 Views

FIFA oo u digtay kooxaha doonaya in ay qeyb ka noqdaan Supper League

FIFA oo u digtay kooxaha doonaya in ay qeyb ka noqdaan Supper League
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa sheegay kooxaha qorsheynaya in ay sameystaan horyaal ka go’an Yurub oo loogu magac daray Super League, ay bannaanka ka ahaan doonaan ciyaaraha guud.

Madaxa FIFA, ayaa sheegay in ay mas’uul ka noqon doonaan caqabadaha ka yimaada haddii ay gaar u baxaan.

Taageerayaasha ayaa sheegay qorshaha ay sameynayaan 12-ka kooxood ee ugu tunka weyn kooxaha kubadda cagta Yurub, ay kala laaban doonaan taageeradooda.

Weeraryahanka ugu goolasha badan intii uu jiray horyaalka Premier League, Alan Shearer, ayaa BBC-da u sheegay in kooxahan ay tahay in horyaalka Premier League laga joojiyo, taas oo looga aargoosanayo waxa ay sameynayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post