255 Views

Warqado ay ku qoran yihiin xog sir ah oo laga helay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence

Warqado ay ku qoran yihiin xog sir ah oo  laga helay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 25  2023

Warqado ay ku qoran yihiin xog loo calaamadeeyay inay yihiin kuwo sir ah ayaa laga helay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence toddobaadkii hore, wuxuuna markii dambe diiwaankaas sirta ah u wareejiyay FBI-da, sida uu qareenkiiisu sheegay Talaadadii.

Greg Jacob, oo ah qareenka Pence ayaa Keydka Qaranka ee National Archives ee lagu keydiyo siraha iyo taariikhda Mareykanka u diray warqad uu ku ogeysiinayo dukumentiyadaas 18-kii January, isaga oo sidoo kale warqad gaar ah 22-kii bishan ku ogeysiiyay kaydka in FBI-du ay u timid guriga madaxweyne ku xigeenkii hore si ay u soo qaaddo warqadahan.

Soo shaac bixista warqadahan ayaa Pence ku dareysa liis ay ku jiraan Donald Trump oo uu u ahaa madaxweyne ku xigeen iyo madaxweyne Joe Biden oo iyagana guryahooda laga helay warqado sir ah.

Jacob, wuxuu ku sheegay warqadda uu u diray Kenydka Qaranka in “taxaddar badan awgeed” uu Pence u shaqaaleysiiyay sharciyaqaan madaxbannaan si uu u eego diiwaannada ku kaydsan gurigiisa kadib markii lasoo sheegay agab laga helay guriga Biden.

Wuxuu intaas ku daray in Pence markii uu ogaaday inay jiraan warqadahan sirta ah uu ‘ku hubiyay meel ammaankeedu sugan yahay’.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post