837 Views

Maamulka Magaalada Beledweyne oo digiin u diray Hay’adaha Samafalka

Maamulka Magaalada Beledweyne oo digiin u diray Hay’adaha Samafalka
____________________________________________________________________________

Gudoomiyaha Maamulka degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan  Cismaan Dhicisow Dhuubow ayaa  digiin Culus waxaa uu  u diray Hay’adaha Samafalka ka howlgallo Gudaha Magaaladaasi Beledweyne.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay inay la socdaan n Hay’adaha Samafalka ay si dhuumaaleysi ah oo Geedaha hoostooda ah ay wax ku bixiyaan, waxana uu ku amray inay si deg deg u soo galaan gudaha Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu hadalkiisa uu ku daray guddoomiye Cusmaan in Mas’uuliyiinta Hay’adah Samafalka markii ay soo gaaraan Beledweyne aysan wadatashi la sameyn Maamulka, balse dad gaar ah ay kala tashadaan wax siinta dadka dantayar.

Ugu dambeyn waxaa uu uga digay hay’adaha samafalka inay qeybiyaan waxyaabo aysan la socon maamulka, hadii ay sameeyaana ay tallaabo ka qaadi doonaan , sidoo kalena uu ka dalbaday inay isa-soo diiwaangeliyan

Warkaan kasoo yeeray guddoomiyaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer uu khilaaf soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Beledweyne iyo Hay’adaha Samafalka, kaas oo salka ku haayay gargaarka la siinayo dadka ka barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post