1413 Views

Ciyaartoy ka mid noqday Dadkii ka soo dhacay Diyaaraddii ka kacday Garoonka Kabul

Ciyaartoy ka mid noqday Dadkii ka soo dhacay Diyaaraddii ka kacday Garoonka Kabul
____________________________________________________________________________

Jimco: August 20, 2021

 Diyaaraddii Maraykanka ee ka kacday garoonka diyaaradaha Magaalada Kabul, waxa dadkii baalasha ka fuulay ee kasoo dhacay ku jiray ciyaartoy reer Afghanistan ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ariana.

Tiro dad ah oo ka cararayay magaalada Kabul markii ay soo galeen dagaalyahannada Taliban ayaa isku shubay garoonka diyaaradaha Axaddii, waxaana la arkayay dad fuulay baalasha diyaarad ay leeyihiin milateriga Maraykanka oo ka duulaysay madaarka.

Muuqaallo laga duubay diyaaraddaas ayaa waxay muujiyeen illaa saddex qof oo markii ay diyaaraddu duushay kasoo dhacay, halkaasna ku geeriyooday, halka aan la ogayn waxa ay ku dambeeyeen dadkii kale oo iyagana ay adag tahay in ay noolaadaan.

about:blank Wakaaladda wararka Afghanistan ee Ariana ayaa sheegtay in dadkii diyaaradda kasoo dhacay ee gudaha garoonka maydkooda laga qaaday uu ku jiray Zaki Anwari oo ay da’diisu ahayd 19 jir, kaas oo fuulay baalka diyaaraddii USAF Boeing C-17.

Zaki Anwar ayaa ka tirsanaa ciyaartoyda xulka qaranka Afghanistan, geeridiisana waxa xaqiijiyey agaasimaha ciyaaraha ee dalkaas.

Qoraal tacsi ah oo ay wasaaraddu soo saartayay tacsi ugu dirtay qoyska Zaki Anwar.

“Waxa aanu si weyn uga murugoonaynaa geerida Zaki Anwar oo ka tirsanaa ciyaartoyda xulka qaranka ee da’yarta oo shil naxdin leh ku geeriyooday.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

“Anwari waxa uu kasoo dhacay diyaarada Maraykanka, waanu dhintay, isagoo ka mid ahaa boqollaal dad da’yar ah oo isku dayayay inay waddanka ka tagaan.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post