321 Views

Cod sir ah oo laga helay Wasiirrada Pakistan oo u tashanaya Imran Khan

Cod sir ah oo laga helay Wasiirrada Pakistan oo u tashanaya Imran Khan
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 2, 2022

Golaha wasiirrada federaalka ee dalka Pakistan ayaa go’aansaday in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan raysul wasaarihii hore ee dalkaas, Imran Khan, sida laga maqlay cod lasoo dusiyay oo la duubay xilliga ay tashanayeen.

Xogta ku jirta codka ayaa qeexeysa in marka ay si rasmi ah go’aankaas u ansixiyaan golaha wasiirrada kaddib lagu dhaqaaqi doono tallaabada sharciga ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Pakistan oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in baaaritaan heer federaal ah lagu sameyn doono arrintan.

Hay’adda baaritaannada ayaa amar lagu siiyay inay si deg deg ah u soo baarto codka sirta ah ee la faafiyay.

Imran Khan oo ah siyaasi aad u saameyn badan waxa uu guddoomiye ka yahay xisbiga Tehreek-e-Insaf. Bishii April ee sanadkan ayaa laga qaaday xilka raysul wasaaraha Pakistan, arrintaas oo si weyn uga careysiisay taageerayaashiisa.

Xil ka qaadistiisa waxa ay timid kaddib markii ay xildhibaannada baarlamaanka kalsoonida ugala noqdeen kulan dhacay saq dhexe oo habeennimo kaddib.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post