1209 Views

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Wakiilada Beesha Caalamka?

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Wakiilada Beesha Caalamka?
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta  Maxamed Xuseen rooble  ayaa xafiiskiisa oo ku yaal gudaha Madaxtooyada Soomaaliya waxaa uu kula kulmay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilada Beesha Caalamka uu Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay Warbixin la xiriirta diyar garoowga qabsoomida shirka wadatashiga doorashooyinka ee ka dhacaya Muqdisho 20-ka Bisha May.

Sidoo kale Xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan shirka wadatashiga doorashooyinka, isla markaana ay taageerayan.

20-ka Bishaan May oo ku aadan Khamiista soo socota ayaa waxaa la filayaa in Magalada Muqdisho uu ka dhaco shirka wadatashiga doorashooyinka,si heshiis looga gaaro bilabiada Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post