2025 Views

Wasaaradda Gaashaandhigga oo la wareegeyso Ciidamada ay tababareen Imaaraadka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo la wareegeyso Ciidamada ay tababareen Imaaraadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arpil 11, 2018 – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in Cidiamada uu tababaray Imaaraadka Carabta oo ku jira Dugsiga Tababarka ee Jen. Gordon ay la wareegi doonto dowladda Soomaaliya.

Wasiir Mursal ayaa sheegay in ciidamada la tababaray ay yihiin ciidan ka tirsan xoogga dalka, isla markaana ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta waa ciidan ka tirsan xoogga dalka, dowladda Soomaaliyeed ayaa la wareegi doontya, xil ayaa ka saaran, mushaaraadka la siin jiray waxay ahaayeen kuwo KMG ah, waxaa hada la diyaariyay qorshahooda iyo tirakoobkooda, wixii hada ka dambeeya dowladda ayaa mushaarka siin doonta”ayuu yiri Wasirika Gaashaandhigga.

Waxaa uu sheegay in munaasabadda 12-ka April oo ah maalinta ciidanka xoogga dalka oo ku beegan maalinta berri lagu shaacin doono in dowladda la soo wareegtay, isagoo ka dhawaajiyay in dowladda ay kafaala qaadi doonto.

“Tirakoobkooda iyo namabaradooda waa la diyaariyay, waxaana loo sameeyay guutooyinka ururada ay ka mid noqonayaan”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga oo u mahadceliyay Imaaraadka Carabta tababarka ay siiso Ciidamada.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii uu heerkii ugu xumaa gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraakda Carabta, iyadoo maalintii Arbacadii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ay ku qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho lacag malaayiin doollar oo laga keenay Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa cambaareysay falkii lagu qabtay lacagta u socotay oo ay sheegeen in loogu tala galay Milateriga Soomaaliya iyo in lagu xadgudubay xeerka diblomaasiyadda, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay, iskana fogeysay eedeymaha ka soo yeeray Imaaraadka.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment