1803 Views

QM oo ciiddanka Kenya ugu deeqdayso qalab looga hor-tago qaraxyadda ay Al-Shabaab kala kulmaan.

QM oo ciiddanka Kenya ugu deeqdayso qalab looga hor-tago qaraxyadda ay Al-Shabaab kala kulmaan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 –  Hay’adda QM ugu qaabilsan Ka-hortaga Miinooyinka ee UNMAS  ayaa la sheegay inay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ka taageerayaan Tababarka sida looga hortago Miinooyinka dhulka lagu aaso ee loo yaqaano (IED), xilli ay sii kordhayso qaraxyadda ay Xarakadda Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka AMISOM ooa y kuwa Kenya qeybta ka yihiin.

Ray Nzano oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda QM ee Ka-hortagga Miinooyinka ee (UNMAS) ayaa u tababaraya Ciiddanka Kenya sidii ay uga gaashaaman lahaayeen Miinooyinka Alshabaab oo ay Askar badan oo Kenyan ah horey ugu geeriyoodeen

Hay’adda QM ugu qaabilsan Ka-hortagga Miinooyinka ee UNMAS waxay Ciiddanbka Kenyanka ka tirsan Hawlgalka AMISOM siinayaan Tababar iyo Taageero Farsamo oo ay ku jiraan Qalabka lagu baaro Miinooyinka, Qalabka Habeenkii wax lagu arko, Eeyda wax urisa iyo Loojistiko kale.

Ilaa 13 qarax ayey Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadeen Askarta Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM tan iyo bishii Janaayo 13-dii ee sannadkan, iyadoo ay Askar badan ku geeriyoodeen, kuna dhawaacmeen qaraxyadaasi oo badankodoa ka dhacay Jubbooyinka iyo Deegaanadda kaabiga ku haya xuduudka Kenya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment