660 Views

Ukraine oo wajahaysa gabaabsi dhanka saanadda dagaalka ah

Ukraine oo wajahaysa gabaabsi dhanka saanadda dagaalka ah
____________________________________________________________________________


Sabti: June 11, 2022

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in ciidamadooda ay gabaabsi ka yihiin saanadda dagaalka, xilli ay dagaallo culus kula jiraan ciidamada Ruushka ee duullaanka ku soo qaadday.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, Vitaly Kim, oo ah barasaabka gobolka Mykolaiv ee jiidda hore ee koonfureed, ayaa sheegay in dagaalku uu noqday “dagaal madaafiic la isku adeegsado “. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Ruushka ay aad uga awood badnaayeen, halka ciidamada Ukraine ay ka sii dhamanayaan madaafiicda.

Waxa uu ku booriyay xulafada reer galbeedka in ay soo dedejiyaan inay soo gaarsiyaan hubka riddada dheer iyo rasaasta si ay uga caawiyaan Ukraine in ay qaado weerar rogaal celis ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post