1698 Views

Madaxweynaha Puntland oo wareegto ku magacaabey agaasimayaal

Madaxweynaha Puntland oo wareegto ku magacaabey agaasimayaal
____________________________________________________________________________

Garoowe | QOL | August 25, 2018 –  Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa Maanta Wareegto uu soo saaray waxa uu ku Magacaabay Agaasimayaal Wasaarad ka tirsan Maamulkiisa.

Agaasimiyaasha ayaa waxaa loo kala Magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Maamulka puntland.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 110 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Waxuu Xeeriyey:

Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Black) loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo

Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland.

Waxaa Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland.

Waxaa Daahir Faarax Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment