Muqdisho | QOL | November 14, 2017 – Al-Shabaab ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen dagaalkii cuslaa ee ay ku qaadeen xerada ciidanka degaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose 3-dii September ee sanadkaan.
Muuqaal ay soo saareen Shabaabka ayaa wuxuu muujinaayay dagaalkaasi inay ku qabsadeen hub u badan qoryo Ak-47 ah oo ay isticmaalayeen ciidankii halkaasi lagu laayay iyo kuwa ka cararay hubka.
Waxaa kale oo Shabaab ay soo bandhigeen laba ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen weerarkii Buulo gaduud ay ku qaadeen ee ciidamada Jubbaland ay ku laayeen.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________