822 Views

Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid allha u naxariistee Janaraal Cabdulqaadir Subxaanyo

Farmaajo oo ka  tacsiyeeyay Geeridii ku timid  allha u naxariistee Janaraal Cabdulqaadir Subxaanyo
____________________________________________________________________________

Sabti: Julay 3, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii uu Marxuumku u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyed iyo doorkii uu ku lahaa difaaca dalka oo uu ku muteystay Billad Geesi, taas oo tusaale wanaagsan u ah muhiimadda ay leedahay u shaqeynta dadkaaga iyo dalkaaga, isaga oo burbarkii kaddib door ka soo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Cali Diiriye oo muddo dheer si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post