207 Views

Diyaarad u kiraysnayd QM iyo shaqaale la socday oo u gacan galay Al-Shabaab

Diyaarad u kiraysnayd QM iyo shaqaale la socday oo u gacan galay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad helikobar ah oo u kiraysnayd Qaramada Midoobay ay ku degtay degaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Degaanka ay ku degtay ayaa waxaa ka taliya ururka al-Shabaab, waxaana dhowr ilo-wareed oo degaanka iyo saraakiil kaleba u sheegeen VOA in diyaaradda iyo shaqaalaha la socday ay u gacan galeen ururka Al-Shabaab.

VOA waxay isku dayday inay la xiriirto Qaramada Midoobay, ilaa haatanse kama soo jawaabin su’aalihii aa ka weydiinay dhacdadan.

.

Xigasho: VOA

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post