1851 Views

Jeneraal Caanood oo beeniyey in uu la goostay ciidamo farabadan

Jeneraal Caanood oo beeniyey in uu la goostay ciidamo farabadan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 20, 2018 –  Abaanduulihii hore ee ciidanka milateriga ee Soomaaliya Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood ayaa beeniyey inuu ciidan la goostay oo uu doonayo inuu dagaal jabhadayn ah bilaabo.

Jeneraalku wuxuu sheegay in maanta uu dagaal ku dhex maray ayaga iyo Al Shabaab magaalada Marka, kaasoo uu sheegay in ay iyagu bilaabeen.

Wuxuu ku tilmaamay dagaalku inuu ahaa “mid sii qorshaysnaa ka hor inta aan la magacaabin abaanduulaha cusub”.

Wuxuu intaa ku daray Jeneraal Caanood inuu “xilka wareejin doono marka hawlgalka la soo afjaro”.

Mar ay BBC wax ka weydiisay inuu ka carooday magacaabista abaanduulaha cusub oo uu doonayo inuu dagaal jabhadayn ah bilaabo ayuu yiri “waxaasi waxba kama jiraan, waa wixii Soomaali ku hoogtay oo ku ba’day, ilaahna naguma jirrabo”, hadalkaas oo uu ula jeeday inuusan diyaar u ahayn dagaal jabhadayn ah.

Wuxuu kaloo jeneraalku waxba kama jiraan ka soo qaaday inuu Balli doogle kula kulmay Askar Maraykan ah.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Jeneraal Caanood iyo gaadiid dagaal oo ilaa afartameeyo gaaraya waxay ku sugnaayeen deegaanno kala duwan oo gobolka Shabeellaha hoose ku yaalla, waxaana soo baxayey warar sheegaya inay kala boodsan yihiin isaga iyo dawladda, hadalladaas oo uu isagu meesha ka saaray.

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment