771 Views

Ciidanka dowladda & kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal sameeyay

Ciidanka dowladda & kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal sameeyay
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Howlgalka ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ay ka sameeyeen inta u dhaxeeya Magaalada Baydhabo iyo degmada Awdiinle ee Gobolka Baay.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha degaanka Awdiinle iyo Taliyaha Saldhiga degmadaas, waxaana sidoo kale weyb ka ahaa Ciidamada Madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyada oo ujeedkoodu ahaa xaqiijinta dhanka Amniga ah.

Taliyaha Saldhiga Booliska degaanka Awdiinle  Xasan Sheekh Yuusuf iyo guddoomiyaha degaanka Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay ayaa sheegay inay la wwreegeen degaannada u dhaxeeya Awdiinle & Baydhabo, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen inay Al-Shabaab dhibaato ku hayaan dadka Shacabka, wuxuuna Bulshada ugu baaween inay la Shaqeeyaan  Ciidamada si looga dulqaado Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer howlgallo ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Baay, iyaga oo degaano la wareegay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post