1113 Views

Xukuumadda Abiy oo sheegatay in ay qabsatay waddo muhiim u ah Magaalada Mekelle.

Xukuumadda Abiy oo sheegatay in ay qabsatay waddo muhiim u ah Magaalada Mekelle.
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOL|Axad: December 12, 2021—Saraakiil katirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ee EBC ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen waddo muhiim u ah socodka Magaalada Mekelle xarunta Ismaamulka Tigray.

Ciidamada Federaalka ayuu sarkaalkaan sheegay in ay galeen Magaalooyin dhaca dhulka buuraha ah sida Silsiladda Zoble, Orjo, Fokiso & Booran oo muhiim u ah howlgalka ka dhanka ah xoogagga TPLF.

Xoogagga TPLF ayaa xoog iyo xeylad isugu geeyay sidii ay u difaacan lahaayeen waddada muhiimka ah ee isku xirta Waldiya & Mekelle balse ugu dambeyn waa ay awoodi waayeen in gacantooda ay kusii hayaan.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ruqaansadeen Magaalada Gaashana, waxa uu ku faanay in aanay jirin cid celin karta xoogagga TPLF oo ay awoodaan in ay qabsadaan goobaha ay ku sugan yihiin “Cadawga” sida uu hadalka u dhigay.

Xukuumadda Abiy Ahmed & TPLF ayaa kala sheeganaya guullo ka dhashay dagaalka ka socda Itoobiya balse Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay Magaalooyin muhiim ah oo ay dib uga qabsadeen muddo kaddib.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post