3222 Views

Faah faahin ku saabsan khasaaraha Qaraxii hotel Maka Al-Mukarama magaalada Muqdisho

Faah faahin ku saabsan khasaaraha Qaraxii hotel Maka Al-Mukarama magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo, 28, 2019 – Weerar qaraxyo ku bilaawday ayaa goor dhaw lagu qaaday hotelka Maka Al-Mukarama oo ka mid ah hotellada ugu caansan magaalada oo ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la maqalayo rasaas, waxaana soo baxaya warar hor dhac oo la xiriira khasaaraha ka dhashay weerarka.

Saraaakiisha Gurmadka degdeg ah ee Aamin Ampalas ayaa warbaahinta u sheegay  in ay goobta ka qaadeen Shan qof oo Meyd ah iyo dhaawaca 25 qof.

Waxaa goobta sidoo kale yaala gaadiid faro badan oo xiliga uu qaraxu dhacayay halkaa u taagnaa baaritaan ay ku sameynayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, gaadiidkan ayaa intooda badan xiligan gubanaya.

Qaraxa ayaa bur bur xoog leh u geystay inta badan dhimayaashii ka agdhawaan hotelka, waxaana wararkku sheegayaan in loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay.

Dhinaca kale waxaa jira dab xoog leh oo qabsaday dhamaanba dhimayaashii ka agdhawaa hotelka.

Wali waxa soconaya gurmad xoog leh oo ay sameynayaan gaadiidka gurmad deg dega ah, iyadoo laga cabsi qabo khasaaruhu intaa ku sii bato, madaama ay jiraan dhimayaal ku dumay qaraxa oo laga yaabo in ay ku hoos jiraan dad meyd ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment