1119 Views

Shir looga hadlayay musuq maasuqa oo Muqdisho lagu qabtay

Shir looga hadlayay musuq maasuqa oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 25-2019 —Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta ayaa maanta ku qabatay xarunta Wasaaradda barnaamij aqoon kororsi ah oo ku saabsan Kaalinta Islaamka ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

 

Kulankan waxaa lagu martiqaaday Culimo, agaasimaha sharciyada ee wasaaradda caddaaladda & agaasimaha warbaahinta gaarka ah ee Wasaaradda warfaafinta.Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Osman Adam Dhubow ayaa furay kulanka aqoon kororsiga ah isaga oo xusay in ay Wasaaraddu laf dhabar u tahay la Dagaallanka musuqa.

 

Aqoon kororsigan ayaa ka mid ah barnaamijyo wacyiga bulshada kor loogu qaadayo iyada oo la ambaqaadayo aragtida Islaamka; dhawaan ayay ahayd markii sharciga La Dagaallanka Musuqmaasuqa uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

 

Sheikh Maxamuud sheikh Cali Dheere ayaa xusay kaalinta uu Islaamku leeyahay la dagaallanka Musuqa isaga oo soo qaatay mawaaqif taariikhi ah oo Nabi Muxammad SCW & khulafadii sida ay ula dagaallameen Musuqmaasuqa isaga oo tibaaxay in markii laga adkaado Musuqa ay bulshadu gaari doonaan barwaaqo & Nabad waarta.

 

Dr. Mohamed Cali Ibrahim oo ah la taliyaha Wasaaradda ayaa isna la hadlay madsha waxaa uuna hoosta ka xariiqay in Musuqmaasuqu yahay dilaaga dhabta ah ee Akhlaaqda bulshada & burburiyaha jiritaanka bulshada uu haleelo ayna muhiim tahay in si dhab ah loo ciribtiro.

 

Sheikh Cumar Maxamuud Wardheere oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo isna ka hadlay kulanka ayaa xusay in daawada dhabta ah ee lagu baab’in karo musuqa uu yahay in la qaato masuuliyad wadareed lagula dagaalamayo.

 

Ugu dambayn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cumar faaruuq Abdulaziz ayaa ka dhawaajiyay in wasaaraddu ay maanta kulanka aqoonkoroorsiga ah ugu tala gashay adkaynta wacyigelinta bulshada lana badin doono barnaamijyada noocan ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment