1011 Views

Gaadiid Dagaal oo uu la socday Jeneraal liibaan madaxweyne oo xalay soo gaaray Muqdisho. Sawiro

Gaadiid Dagaal oo uu la socday Jeneraal liibaan madaxweyne oo xalay soo gaaray Muqdisho. Sawiro
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Waxaa Xalay magaalada Muqdisho soo gaaray Ciidamo gaaraya ilaa 300 askari oo uu la socdo Jemeraal liibaan madaxweyne, oo ka soo anbabaxay Gobolka Sh.hoose.

Jeneraalka oo ka soo baxay Gobolka Sh.hoose ayaa waxaa wadada u galay Ciidamo joogay Deegaanka 3 disho, waxayna kala kulmeen iska cabin waxaana la sheegay in markii danbe uu si nabad ah ku soo gaaray xaafada shirkole oo xalay ay ka jirtay dhiilo Colaadeed oo u dhaxaysay Ciidamada Dowlada iyo Jeneraal saadaq joon oo ay isku hayb yihiin jeneraal liibaan Madaxweyne.

Jeneraal Liibaan oo ah nin caanka ah Gobolka Sh,.hoose ahna taliye Ciidan ayaa soo gaaray Xalay halkaas asaga oo wato ku dhawaad 20 gaadiidka dagaalka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Jeneraalka uu xalay dagay goob aan ka fogayn xaafada shirkole, waxaana saakay xaaladu tahay mid kacsan oo xili kasta ay wax dhici karaan.

Kala soco wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post