1524 Views

Shaatax: Doorashooyinku waa in ay u dhacaan si hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Shaatax: Doorashooyinku waa in ay u dhacaan si hufan oo lagu kalsoonaan karo.
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOL|Axad: December 12, 2021—Cismaan Muxudiin Shaatax Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ayaa sheegay in Dalka uu u baahan yahay Doorasho si hufan oo lagu kalsoonaan karo u dhacdo si meesha looga saaro muran siyaasadeed & is qabqabsi ka dhasha.

Shaatax ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay dhageysiga dhinacyada tabashooyinka ka qaba Doorashooyinka si loo saxo qalalaadka keenay cabashada Doorashadana looga dhigo mid hufan iyo caddaalad u dhacda.

“Doorashadooyinku si ay u noqdaan mid hufan oo lagu kalsoonaan karo waa in la saxo Ergada, Odoyaasha dhaqanka ama shanta xubnood ee Ergada soosaareysa waa in la ogyahay, dhinacyada cabashooyinka iyo aragtida u haya Doorashooyinka waa in la dhageystaa si loo xaqiijiyo hufnaanteeda” ayuu yiri Guddoomiye Shaatax.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa 6dii December 2021 sheegay in Xubno ka socda Bulshada rayidka laga qaybgelinayo Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya si ay u kor joogteeyaan.

Cabashooyin ayaa kasoo laabtay Doorashooyinkii lagu qabtay Muqdisho, Dhuusamareeb & Baydhabo, Golaha Midowga Musharixiinta ayaa soo jeediyay in la joojiyo si loo saxo qalalaadka ka dhacay kuraasta la doortay.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post