1350 Views

Buuq iyo gacan ka hadal dhax maray Golaha Wakiilada Somaliland

Buuq iyo gacan ka hadal dhax maray Golaha Wakiilada Somaliland
____________________________________________________________________________

isniin: December 13, 2021

Waxaa Maanta uu buuq hareeyay furitaanka Kulanka Golaha Wakiilada Soomaaliland kadib markii qaar kamid ah Golaha Wakiilada ay diideen inay Gudaha u galaan Xarunta.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland oo isugu jira Muxaafid iyo mucaarad ayaa isku khilaafsan Ajandaha Maanta kulanka ee ah furista ururada siyaasada Somaliland oo shalay Xukuumaddu sheegtay inay furan yihiin.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan im gacan ka hadal uu dhexmaray laba kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Maxamed Khadar iyo Xildhibaan Khadar Guun.

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaja Wakiilada Somaliland  gaar ahaan kuwa muxaafidka ayaa sheegay inaanay saaka gudaha u galayn Xarunta fadhiga golaha, iyaga oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif inuu Sharcigii Golaha aftuubtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post