825 Views

Hay’ad Caalami ah oo soo saartay digniin la xiriirta Burcad Baddeeda Soomaalida

Hay’ad Caalami ah oo soo saartay digniin la xiriirta Burcad Baddeeda Soomaalida
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 19|  2020
—Warbixin kasoo baxday Hay’adda badaha adduunka ayaa waxaa loogu baaqay Maraakiibta Shishiiye ee mara badda Carbeed iyo Gacanka Cadmeed inay ka feejignaadaan weeraro kaga imaan kara Kooxa Burcad Baddeeda Soomaalida.

Hay’adda ayaa Warbixinteeda ku qeexday in labadii sano ee la soo dhaafay aysan jirin falal ay geysteen Kooxaha Burcad baddeeda Soomaalida oo la diiwaangeliyay, balse ay muhiim tahay feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale waxaa Warbixinta lagu sheegay in kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida ay siidaayeen Bishii Agoosto ee la soo dhaafay seddexdii lahayste, kuwaas oo gacanta u galay sanadkii 2011-kii,  markaas oo ay sii xoogan u jireen kooxaha Burcad Baddeeda

“ Waa muhiim feejignaan amni, in kastoo ay hoos u dhacday awooda kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida, laakin weli awood ayay u leeyihiin inay wax afduubtaan ayaa lagu yiri” Warbixinta Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (IMB).

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa hoos u dhacay awooda Kooxaha burcad Baddeeda Soomaalida, iyada oo ay aad u yaraatay afduubka lagu haayay maraakiibta Shisheeye ee mara badda Carbeed iyo Gacanka Cadmeed.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post