639 Views

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Dhuusamareeb oo xilka la wareegay

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Dhuusamareeb oo xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Axad: June 12, 2022

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb Cabdisamad Salaad Aadan ayaa goordhaw xilka kala wareegay Guddoomiye ku-xigeenkii hore Cabdi Xaashi Caroole.

Munaasabadda xil-wareejinta ayay ka qayb galeen Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Cabdi, Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqoroow, Agaasimaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga Dhuusamareeb Cabdi Xaashi ayaa mas’uul ka cusub u rajeeyay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Gudoomiye ku-xigeenka cusub ee Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb Cabdisamad Salaad Aadan ayaa ka codsaday Maamulka iyo shacabka inay la shaqeeyaan.

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post