855 Views

Waa kuma Maskaxdii ka dambeysay in la helo metelaada G/Banaadir ee Aqalka Sare?

____________________________________________________________________________

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay shalay in gobolka Benaadir uu matalaad 13 xubnood ah ku yeesho golaha Aqalka Sare.

Tiro xildhibaano ah oo gaaraya 142 xubnood ayaa u codeysay ansixinta moshinkan iyadoo 4 xubnood oo kali ahna ay ka soo horjeesteen, waxayna tallabadani ka dhigan tahay in Aqalka Sare oo markii hore ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada matalayay ay haatan ku soo biirtay Muqdisho tiradiisa guudna ay noqon doonto 67 Senator.

Dadaalka loo galay ka miro dhalinta arrintan ma aheyn mid hadda bilowday, Hadal heynta ku saabsan maqaamka iyo matalaada gobolka Benaadir waxay aheyd mid muddo dheer soo jiitamaysay oo aan soo dhaafin afka baarkiisa, balse ugu dambeyn waxaa derbigaas ku dhiiraday inuu jebiyo, Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo dhiig cusub ku shubay ololihii la xiriiray sidii loo heli lahaa xuquuqda siyaasadeed ee Muqdisho.

Haddii aan taariikhda dhowr bilood ka hor dib ugu laabano arrintan ayaa soo bilaabatay 2-dii bishii February ee sanadkan markii Senator Dufle uu fadhiga Golaha Aqalka Sare ka jeediyey hadal taariikhi ah oo horseeday xaqiijinta metelaada gobolka Banaadir xili goluhu ka doodayey Ajende la xiriiray Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal.

Prof. Dufle ayaa si geesinimo leh hadal jeedintiisa diirada ugu saaray muhiimada ay leedahay sidii loo heli lahaa metelaada Muqdisho oo gebi ahaanba aan lagu soo hadal qaadin sharciga doorashooyinka, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xuquuqdooda la duudsiiyo dad saddex milyan ka badan oo ku nool Muqdisho, kuwaasoo aan lagu xusin sharciga doorashooyinka cidii ku meteli laheyd siyaasada dalka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaa 8-dii isla bishii Febraayo ee sanadkan ansixiyay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal ka dib markii muddo laga doodayey, waxaana nasiib wanaag noqotay in sharcigan lagu soo daray qodobkii muhiimka ahaa ee uu soo jeediyey Senator Prof. Dufle oo ahaa metelaada G/Banaadir, kaasoo si buuxda loo tixgeliyey, waxaana laga dhigay qodobka 12aad faqradiisa 6aad ee sharciga doorashooyinka oo u qoran sidan:-

(Xuquuqda metelaada gobolka Banaadir waxaa xeer ka soo saaraya labada gole ee Baarlamanka federaalka Somalia)

Ugu dambeyn sidaas ayey ku rumowday riyadii shacabka Muqdisho ay mudadii dheer ku taamayeen, waxaana dhowaan la soo saaray xeerka metelaada gobolka Banaadir ee shalay la ansixiyey kaasoo ka mid ahaa afar xeer oo ay soo diyaariyeen Guddiga Wadajirka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo sidoo kale uu xubin ka ahaa Senator Prof. Dufle.

Muran kama taagna in xeerkan markii uu soo gaaray Golaha shacabka meel marintiisa ay dedaal u galeen xildhibaano badan iyo xitaa Madaxda sare ee dalka balse xaqiiqadu waxay tahay in Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle uu taariikhda ku galay inuu noqday xildhibaanka kaliya ee markii ugu horeysay soo jeediyey in gobolka Banaadir uu metelaad rasmi ah ku yeesho Golaha aqalka sare taasoo ah arrin marag ma doonto ah.

Senator Prof. Cusmaan Maxuud Dufle ayaa noqday halyey soo jiitay quluubta shacabka Muqdisho, maadaama uu horseed u noqday in la helo xuquuq muddo dheer ka maqneyd oo siyaasiyiin iyo madax ka horeysay ay ku fashilmeen, taasoo uu ku muteystay iney sii siyaado sumcadii iyo sharaftii uu horeyba ugu dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.

W/Q: Maxamed Xuseen Suge
Suge11@gmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post