1011 Views

War deg deg ah: Magaalada Muqdisho oo goor dhawayd uu ku geeriyooday fanan abwaan Ustaad Jimi Sheekh Mumin

War deg deg ah: Magaalada Muqdisho oo goor dhawayd uu   ku geeriyooday fanan abwaan Ustaad Jimi Sheekh Mumin
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 24, 2021

 
waxaa magaalada Muqdisho goor dhawayd ku geeriyooday fanan abwaan Ustaad Jimi Sheekh Mumin .

Wararka  ayaa sheegaya in Jiimi uu mudooyinkii la soo dhaafay ku Xanuunsanayay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in uu goor dhayd ku Geeriyooday Ex-fiyoore oo ah Xarunta iyo Hoyga fanaaniinta Soomaaliyeed.

Ustaad jiimi ayaa  waxa uu caan ku ahaa tumista iyo laxan samaynta heesaha Soomaaliyeeed, gaar ahaan Waxa uu ka Tirsanaa Hobolada Qaranka ee waabari.

Sidoo kale waxaa lagu Xusuustaa in uu qaarkood lahaa ama uu laxameeyay Heeso ay qaadeen fanaaniin badan oo can ah oo ay ka midyihiin Xasan aadan, C/qaadir juba, Magool iyo Hibo Nuura.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post