1275 Views

Lafta Gareen oo loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed

____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 19, 2018 –Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen, ayaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya kaddib doorasho maanta ka dhacday Magaalada Baydhaba.

Doorashadan oo Wareegga 1aad lagu kala baxay ayaa waxaa ay musharrixiinta codadka u kala heleen sidan;

C/Casiis Lafta Gareen 101 Cod

Aadan Maxamed Nuur Saransoor 22 cod
Ibraahim Macalin Nuur  6  cod

Sayid Axmed Shekh Daahir 4 cod
Xuseen Xusmaan Xuseen 3 cod.

13 cod ayey Guddiga sheegeen in ay xumaatay,iyada oo doorashada ay ka qeybgaleen 143 Xildhibaan,waxaana uu Lafta Gareen helay 70% Codadkii doorashada.

Doorashadan oo dhowr jeer dib u dhacday ayaa waxaa ugu dambeyn la qabtay maanta halkaas oo uu ku guuleystay C/Casiis Maxamed Lafta Gareen oo noqonday  madaxweynaha  4ta Sano soo socota ee Koofur Galbeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment