345 Views

Guddoomiye Madaale oo daah furay suuq weynaha Muqdisho

Guddoomiye Madaale oo daah furay suuq weynaha Muqdisho
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho kaasi oo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Marti sharaf kal

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Bandhiga Suuq weynaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay garab istaaga iyo dhiiragelinta Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Suuq weynaha Muqdisho uu caalamka tusinayo Maalgeshiga iyo Kobaca dhaqaale ee dalka ka jira, loona baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan lana dhiirageliyo Ganacsatada yar yar sidii ay usoo bandhigi lahaayeen hal abuuradooda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post