1269 Views

Ninkii Ka Dambeeyay Dilkii Paul Anthony Farmosa Oo Xalay Geeriyooday

Ninkii Ka Dambeeyay Dilkii Paul Anthony Farmosa Oo Xalay Geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Isbitaal halkaasi ku yaalla uu ku geeriyooday Ninkii ka dambeeyay dilkii maamulihii dekadda Bosaaso ee shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa.

Ninka dilkasi ka dambeeyay ee geeriyooday ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Ibraahim Maxamed,waxaana dhaawacay Ciidamo ka mid ah kuwa Puntland,kadib markii uu dilay Madaxii shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Isbitaalka boosaaso uu ku  geeriyooday kadib markii qaliin lagu sameeyay,si looga saaro saddex xabadood oo ku jiray.

Shalay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay muuqaalo laga soo duubay,isaga oo jiifa Isbitaalka boosaaso,isla markaana la wareysanayay,hayeeshee laamaha amniga Puntland aysan wax xil ah iska saarin dhaawiciisa iyo in uu faah faahin ka bixiyo cida soo amartay in uu dilkaasi fuliyo.

Dilka loo geystay Maamulihii shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa waxaa isla shalay sheegtay mas’uuliyadiisa dagaalamayaasha Al-Shabaab,waxaana la filayaa in Maanta Meydkiisa loo duuliyo dalka Imaaraadka Carabta si loogu gudbiyo Jaziirada Malta ee dalka Talyaaniga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment