1698 Views

Mareykanka iyo Itoobiya siyaasaddooda Soomaaliya ma is xambaar baa?

Mareykanka iyo Itoobiya siyaasaddooda Soomaaliya ma is xambaar baa?
____________________________________________________________________________

May 25, 2020 | by Ahmed Yasin Maxamed Sooyaan – Colonel Abiy Axmed-ka Itoobiya hoggaamiya wuxu ahaa askari sir-doonka Itoobiya ka tirsan, fikirkiisa siyaasadeed ee gobolkuna uu ku hana qaaday intii ay Soomaaliya burburtay oo dalal badan oo Itoobiya ugu horeyso u soo qalab qaateen duminteeda, waxaana maskaxdiisa buux dhaafshay sheekooyinkii asaadhiirta ahaa eeboqortooyooyinkii Amxaarrada ee ku aaddanaa cadaawadda ay Soomaaliya u qabaan, iyo damaca hadda sii xoogeystay ee waligiis uu guumeystaha qadiimka ah dabada ka riixayay ee ah in dalka Soomaaliya iyaga la hoos geeyo, waxaana taas dhiiri geliyay oo dhibkaba keenay inuu ku soo aaday xilli uu Soomaaliya  madax-weyne ka yahay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo wax kale aan siyaasaddiisa lagu macnayn karin laakiin u adeegay siyaasado shisheeye si ay ugu hayaan awoodda illaa uu ka fulo danaha aan la garanayn ee qaranimmad Soomaaliya kala weynaaday! waase haddii shacabka Somaaliyeed aysan intaas garan karayn! 

Ciidammada caadiga ah ee Itoobiya waxay soo galeen Soomaaliya 1996-kii waxayna ka soo tallaabeen xudduudda gobolka Gedo iyagoo xad gudubyo waaweyn oo isugu jir dil, kufsi, qafaalasho, dhac, iyo xatooyo ka geysanaya gudaha Soomaaliya,  waxaana jirtay in 2sano ka hor  taariikhdaas ay ciidammadeeda sir-doonka ah soo gelisay xudduudaha dalka oo dhan. Marmarsiinyadii  waagaas ay sababta uga dhigtay xad-gudubkii ay ka geysatay gobolkaas ayaa ahayd inay koox minted ah uga soo duushay Soomaaliya ammaankeedana u baqayso, waana sabab la mid ah waxyaabaha hadda ku marmarsiyootay markii ay magaallada Berdaalle  (May 04, 2020) ku soo ridday diyaaraddii  xamuulka ahayd ee gargaarka waday, waxayna sheegeen inay uga shakiyeen inay diyaaradda wataan argagixiso rabta inay iyaga isku qarxiyaan!!…Been intaas la eg?! SHacabka indhaha ha kala qaadaan, mana aha inay fiirsadaan waxa Gedo ka dhacay ee waa inay ka dhiidhiyaan, xad gudubka ay ciidammada Amxaarada Gedo iyo Bay ku hayaan waa marka horee waa mid guri kasta oo Soomaaliyeed ku dhacay, laynaguna barayo shacab ahaan inaan dulinimmada qaadano, waana dharbaaxo ku taal dhabanka muwaadhin kasta oo Soomaaliyeed!

Qarammada Midoobay  (QM) iyo dhammaan waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxay ku taageereen Itoobiya xad gudubka ay ku samaysay qaranimmada Soomaaliya, waxbana lagama soo qaadin gabood falkii iyo dhibaatooyinkii ay u geysatay shacabka gobolkaas, waxaana falalkii argagixisnimo ee ay ciidankii Itoobiya  geysteen lagu macneeyay tallaabo ay koox  argagixasa ah dalkeeda kaga difaacaysay!…KOOX?!  Wixii maalinkaas ka dambeeyay Itoobiya waxaa si aan la sheegin loo siiyay rukhsad ah in xad gudubyada ay Soomaaliya gudaheeda ka geysanayso ay yihiin kuwo sharci ah. Arrintan waxay iska noqotay mid ay dunida aamusnaan ku oggolaatay, dalalka qaarkod iyo QM, iyagoo taageeraya xad gudubyadaas ayey qiil bixintii aan naqaanay marka dal lagu duulayo sabab uga dhigeen inay Itoobiya xaq u leedahay inay is difaacdo, middaasna waxay horseedday in joogitaankeeda iyo far gelinta ay arrimaha Soomaaliya ku hayso raali looga noqdo, waxayna QM iska indho tirtay in Soomaaliya tahay qaran madax-bannaan oo xubin ka ah QM, Ilaa iyo waqtigan la joogo arintan sidii ayeey wali u jirtaa oo waxba iskama bedelin.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yukio Yamamoto (Donald) Yeygii haragga cawsha huwanaa !

Waxaa arrin cad ahayd in kast oo ay dhici karto in dadka Soomaaliyeed badankood aysan ku baraarugsanayn in xad-gudubyadaas iyo daandaansigaas ay ahaayeen kuwo ay Itoobiya la ogaayeen dalalka maanta ku taageeraya waxayna  bilow u ahaayeen hawlaha maanta uu Yukio Yamamoto (Donald) ka wado Soomaaliya, waxaana marqaati u ah in bishii April, 2018 ra’iisal wazaaraha dalka Britain Boris Johnson oo waqtigaas aha waziirka arrimaha dibadda uu  markii Colonel Abiy Axmed loo magacaabay  inuu hoggaamiyo dalka Itoobiya isagoo ugu hambalyayniya bartiisa Twitter-ka hambalyadii ka dib isla  markiiba kula soo booday inuu Abiy kula dardaarmo inuu qayb ka noqdo is-bedel siyaasadeed oo Soomaaliya laga hirgeliyo “…Ajandaha weyn ee la wadaagayo oo laga shaqaynayo waa laga bilaabo horumarinta iyo is-bedelka Siyaasadeed ee Soomaaliya….”  Muxuu Boris si gaar ah Itoobiya ugu doortay arrintaas?!… Boris hadalka iskama dhihin!…

Arrimahan ma aha kuwo si kama ah isaga dhacay, waxaana jiray qorshe soo jiitamayay gaar ahaan marka ay timaado kaalinta ay ku leedahay dowladda Maraykanka. Intii  uu socday shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee Mbagathi ee dalka Kenya,  wakiilladii Maraykanka shirkaas u joogay waxay u dhaqmayeen ama u muuqdeen sidii inay yihiin kor joogto aan shirka qayb ka ahayn, marka la garab dhigo wadammada kale ee reer galbeedka ah oo runtii aan oran karo ilaa iyo xad waxay isku dayayeen inay taageero u muujiyaan shirkaas sida; Talyaaniga, Sweden, Jarmalka,  iyo kuwo kale oo ay iyagu ka muuqatay inay aad u danayniyeen arrimaha shirkaas, waxaana  marar badan lagu macneeyay kaalintiiMaraykanka ee shirkaas mid  hummaag badan uu ku jiro walaac badan ku haysay dadkii Soomaaliyeed ee shirkaas fadhiyay. Laakiin wax kasta waxay sidii cadceeddii u soo muuqdeen markii shirkaas uu madax-weyne u doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed,isla markaasna uu samaysmay dhisma dowladeed oo hay’adihiisii intii muhiimka ahayd u dhanyihiin laakiin wali u baahan tabantaabo faro badan iyo in gacan la siiyo, hasa yeeshee si middaas ka soo hor jeedda Maraykanka markiiba wuxuu u gacan haadiiyay xubnihii dowladda la dhisay  ka soo horjeeday oo u badnaa qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho. Sababta uu Maraykanka uga soo hor jeesteen dowladda waxaa siyaasiyiin badan oo arrimaha siyaasadda Soomaaliya aad xog ogaal ugu ahaa ay ku macneeyeen in Maraykanka uu diidanaa in nin sida Cabdullaahi Yuusuf ah oo ku soo barbaaray siyaasadihii gumeysi nacaybka ahaa aadna xog ogaal ugu ah arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo taariikhdiisa uu Soomaaliya madax-weyne ka noqdo.

Safaaradda Maraykanka ee Nairobi maalmo yar ka dib doorashadii Cabdullaahi Yuusuf waxay isugu yeertay rag uu hor kacayo SHariif Xasan SHiikh Aadan oo isagu ahaa guddoomiyihii golaha shacabka, iyo rag faro badan oo ay ka mid ahaayeen; Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Xasan Cali (Cusmaan Caato), Max’ed cabduulaahi Jaamac (Sifir), Max’ed Qan-Yare Afrax, iyo xubno kale, kuwaasoo ku kacsanaa dowladdii la dhisay iyagoo waliba xilal ka haya. SHirkaas oo aan xogtiisa la helin waxaa uu muujiyay in dowladda Maraykanka ay lid ku tahay dowladii meesha lagu dhisay wuxuuna kullankaas dhiiri gelin weyn siiyay xubnihii dowladda ka soo hor jeeday waxaana uu sababay in xubno kale oo dowladda taageersanaa ay ku biiraan mucaaradka.

Dad badan oo Soomaaliyeed waxay rumaysanyihiin in ciidammadii Itoobiya ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd u soo gelbiyay Muqdisho 2006dii ay keensadeen Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geeddi hasa yeeshee waxay xaqiiqdu tahay in ciidammadaas ay ku soo galeen dalka amar ay ka heleen dowladda Maraykankaoo aan xataa waxba laga ogeysiin ama aan lagala tashan madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi. Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay fashilantay rajadii ay dowladda Maraykanka ka qabtay kooxdii mucaaradka ahayd ee ay kula soo heshiisay Nairobi si ay xukuumadda u ridaan iyadoo la adeegsanayo golaha shacabka iyo guddoomiyaha golaha SHariif Xasan SHiikh Aadan, qorshahaas oo aan dhameys tirmin ayaa waxaa Maraykanka walaac weyn oo kedis ah ku noqday ururkii Midowgii Maxkamadaha oo uu arkay in maamulkooda si xawli ah ugu sii baahayo gobollada dalka oo dhan si uu taas uga hor tago ama uu u joojiyo fiditaanka awoodoodana wuxuu u baahday inuu helo cudud uu si deg-deg ah uga hor geeyo oo aan ahayn midda dowladda Federal-ka Ku-Meel- Gaarka ah oo iyada lafteeda uusan u aqoonsanayn dowlad isla markaasna uu doonayay inuu burburiyo, sidaas daraadeedwuxuu adeegsaday ciidammadii Qab-Qablayaashii Dagaalka ee Muqdisho oo uu ku mideeyay magaca Golaha La Dagaallanka Argagixisada isagoo waliba ku bixinaya lacago faro badan hasa ahaatee markii ay ururkii maxkammadaha ka adkaadeen wixii loogu yeeriyay Golaha La Dagaalanka Argagixisada Maraykanka isla markiiba wuxuu dalbaday ciidammada Itoobiya isagoo ka fogeyniya dowladdii federal-ka ku-meel-gaarka ahayd mas’uuliyadeedii dowladnimo, iyadoo aan cidna laga talo gelin haddii ay tahay; Dowladda Soomaaliya, QM, Midowga Afrika, IGAD, iyo guud ahaanba waxa Beesha  Caalamka loogu yeero. Waxaa xusid mudan in marka ciidammadaas ay soo gelayaan Soomaaliya in xukuumadda iyo golaha shacabka ay wali isku haysteen oo aan la ansixin ciidammada AMISOM ee ay codsatay xukuumaddi lagu soo dhisay Mbagathi.

Sidii Xamiid Karsay-gii Afghanistaan mas’uul  si cad u diidi kara wixii dalka dhibaaya ma laga waayay siyaasiyiinta u dhaartay dalka!

Waxaan iyadana arrin aan qarsoonayn ah in Maraykanku uu si awood sheegasho ku jirto ula dagaalay dowladdii  federal-ka ahayd ee ku-meel-gaarka ahayd aakhirkiina keentay inuu u adeegsado dowladda Itoobiya ilaa ay gaartay in si qasab ahMadax-weyne Cabdullaahi Yuusuf uu is cazilo, maalinkaas wixii ka dambeeyeyna waxaa bilaabatay siyaasad ay dowladda Maraykanka  gadaal ka yeerinayso cadowgii Soomaaliyeed ee Itoobiyana ay fulinayso waliba waxaa si anshaxa diplomat-siyadeed ka baxsan loo soo fariisayay bartamaha xafiiska madaxtooyada Soomaaliya, isla markaasna iyada oo aan waxba laga weydiin ama aan la ogeysiin dowladda Soomaaliya qasab laga dhigay in sir-doonka Itoobiya xafiisyo ka furto meel kasta oo maamul siyaasadeed ka jiro dalka oo dhan, oo ay ug horeeyeen Puntland iyo Somaliland, ka dibna maamul-goboleeddadii cusbaa. Arrintani waxay horseedday dal kasta oo ay ku jirtay cadaawadda Soomaaliya ama dan guracan ka lahaa wuxuu qaatay ama ku dhaqaaqay inuu Soomaaliya kula dhaqmo siyaasaddaas oo kale, khaasatan dalalka Carabta; Qatar, Midowga Immaaradaha Carabta, iyo Sacuudiga, waxayna raaceen siyaasad la mid ah middii uu Maraykanka qaatay waxayna soo adeegsadeen isla cadowga Itoobiya, heer waliba Midowga Immaaradaha Carabta ay gaareen in Itoobiya ay saami uga qorto dekedda Berbera!…Bal ma iyadaa leh?!…

Dhibaatada ugu weyn waxay dhacday markay dhallin-yaradii dalka askaraysteen dowladdiina ay ka hadli waysay!…Askarta Maraykanka, askarta Midowga Immaaradaha Carabta, sir-doonka, askarahaas aalaaba markay ciidammada dowladda Soomaaliyeed ama dowlad goboleeddada ay hawl galo samayniyaan ayaa xilliyada qaarkood la arkaa iyagoo gacan siinaya, taasoo loola jeedo in loo ekaysiiyo inay yihiin ciidamo Soomaaliyeed, laakiin xaqiiqdu ay tahay ciidamo ay dalal shisheeye ka dhex samaysteen dalka gudihiisa, khatarta ugu weynna waxay tahay in dhallin yaradaas aysan isu arag inay dalal shisheeye u shaqeeyaan iyagoo run ahaantii u  adeegaya dano shisheeye. Ciidammadaas ayaa sal-dhigyo ku leh meel kala duwan oo muhiim ah xagga istaraatiijiyadda military-ga oo qaarkood ay ahaayeen sal-dhigyo hore o ay isticmaali jireen ciidammada Soomaaliya ama ciidammadii Soviet-ka.

Balse ma aragtay qabka, qabka dhaafay ee Kyle McCarter safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi ugu garab istaagay Kenya boobka badda Soomaaliya?!…

Markii uu madax-weynihii hore ee Maraykanka Brack Obama uu boqday dalka Itoobiya sanadkii 2015kii oo ahayd markii ugu horeysay ee madax-weyne Maraykan ah oo xafiiska fadhiya uu booqdo dalkaas wuxuu si cad u sheegay in arrimaha Soomaaliya ay kala soo xiriirayaan ama ay wax ka weydiinayaan  oo keliya Itoobiya iyo Kenya, waa dhab waan dunsnnahay qaranimadeenii inaan dhisano waan ku filnaan waynay, laakiin Itoobiya iyo Kenya?!… tani macnaheeda ma aha Obama inuu riyooniyayay ama uu dheelilowsanaa markuu sidaas lahaa ee wuxuu raacayay waddo horay u falnayd, wuxuu raacayay qorshihii horay u soo socday ahna midka uu wali maanta ku shaqayniyo ama uu Muqdisho u joogoYukio Yamamoto (Donald) oo mar kasta oo uu la kulmo madaxda ama siyaasiyiinta Soomaaliyeed qosolkiisa iyo ilko cadayntiisa aad moodayso Baadari ilmo rajo ah kaniisadda loogu keenay!… Waxaase hubaal ah in sida uu inoo aqriyay iyo sida ay runtu tahay ay yihiin labo aad u kala fog!… Sababta ugu muhiimsan ee mar kastauu u taageero xukuumadda madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare Xasan Cali KHeyr ayaa lagu macnayn karaa inuu ka dambeeyo ama wax ka ogyahay heshiisyada beenta ah ee ay wada saxiixdeen Colonel Abiy Axmed iyo Farmaajo ee runtooda laga qariyay dadka Soomaaliyeed, arrimaha uu Yamamoto ka wado dalka waa in lagu baraarujiyaa dad-weynaha Soomaaliyeed oo siyaasiyiinta ay ka hadlaan.

Kyle McCarter, waa safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi, shaqadiisu qareenimo ma aha,waxaana la moodaa ujeeddadiisu inay tahay inuu ku taba barto oo uu isku tijaabiyo dal sida Soomaaliya oo kale uu ku tuhmiyo inaysan ka jirin xukuumad xoog badan, oo waliba Farmaajo madax-weyne ka yahay!  Kyle McCarter dowladda Soomaaliya oo baddeeda lagu soo duulay oo dacwadii maxkaddu ay meel dhexe marayso buu bartamaha uga soo booday isagoo si amar ku jiro u sheegaya in dacwadda laga soo cesho maxkammadda!…Yaa?!…fara gelinta uu ninkaas ku sameeyay arrintaas xukuumadda iyo labada gole ee shacabka (waa un magacaasee) midna kama hadlin, laakiin waxaa laga ogaaday war baahinta dunida waxayna ku soo dhammaatay in Farmaajo iyo Kenyatta labadooda keliya qol aan cidna ku wehlin wax ku soo saxiixdaan!Farmaajo sida aan ku baranay sidii macdaar uu isaga leeyahay buu taladii dalka isaga isku keli yeelay! Kulankaas oo McCarter labadaas nin isugu keenay  natiijadii ka soo baxday waxaa lagu sheegay in laysku af gartay!…maxaa laysku af gartay?!  Codsiga Kenya in mar 3aad dib loogu dhigo go’aanka  maxkamadda ka gaari lahayd arrinta badda ayaa lagu macneyn karaa inay doonayso inay  waqti u hesho sidii Soomaaliya loogu cadaadin lahaa inay si xeer jajab wax ku dhameystaan labada dal.  Yukio Yamamoto Itoobiya xambaarsanyahay !  Kyle McCarter Kenya xambaarsanyahay!… Yaa?! Bal adigu macnee caqligaas!…

Waxaa shaki la’aan ah in siyaasadda is-xambaarka ah ee Maraykanka iyo Itoobiya ay meel ka dhac ku tahay qaranimmada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, waana meesha ay ka dhutinayso dowladnimmada Soomaaliya, iyo sababta ugu weyn ee looga ilaalinayo inay gaarto deggenaansho siyaasadeed, waana walaac ugu weyn ee had iyo goor ummaddu isku baraarujiso, waxaase talo wanaagsan ahaan lahayd in Colonel Abiy uu  ka waantoobo dhaqankii hore ee guumeystayaashu maalin kasta Itoobiya u soo adeegsanayeen Soomaaliya! Waxaa muuqata marar badan dad-weynuhu ka wada hadlaan waxa Abiy iyo Yamamoto isu sheegeen! Waxaase ka daran oo ay is weydiinayaan maxay Farmaajo iyo Yamamoto saaxiibo gaar u yihiin?! Waxa loo socdose yaan garan oo Soomaali ah?! Mase fahmi karaa Abiy in kursiga uu Farmaajo ku fadhiyo ummaddu leedahay ee kursiga uusan lahayn ummadda?!…

Waxaa muddo soo socday qorsho si awood sheegasho ah sal-dhigyo ciidan looga samaystay dalka oo dhan; Muqdisho, Kismaanyo, Berbera, Gaal-Kacyo, Wanle-Weyn, Baydhabo…iyadoo waliba la leeyahay waa dowlad madax-bannaan oo ka tirsan golaha loo dhanyahay ee QM!… Yaa arkay dowalad markii dano laga saxiixanayo keliya dowlad ahaan loola dhaqmayo?!… wax kasta oo ay saxiixday dowlad aan shacabku soo dooran ma noqon doonaan kuwo sharci ah.  Arrintu sow ma aha caarradii cayayaanka (xasharaadka) guri  ka cunaysay, laakiin nafteeda u cunaysay! Ciidammada AMISOM looma keenin inay Al-SHabaab la dagaalaan ee maxaa loo keenay?! … SHacabka Soomaaliyeed ma jirto cadaawad ay u qabaan dalka Maraykanka, waxayna aad u fahamsanyihin guud ahaan siyaasadaha ka socda gobolka, laakiin kuma faraxsanna siyaasadda uu ciyaarayo Yamamoto mana dhici doonto in ummadda Soomaaliyeed shacab iyo dowlad iyagoo isku duuban inay dulinimo qaataan, waxayna so dhoweyniyaan wax kasta oo xiriir ama heshiis ah oo aan meel ka dhac ku ahayn jiritaanka qaranimadooda dal ahaan iyo ummad ahaanba…

.

.

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan, waxaad kala xiriiri kartaaalle_yaqaan99@yahoo.co.uk

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Yurub

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment