216 Views

Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Kenya Dr Alfred Mutua oo sheegay in dalkiisu uusan qorsheyneyn inuu safaarad ka furto Somaliland

Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta  Kenya Dr Alfred Mutua oo  sheegay in dalkiisu uusan qorsheyneyn inuu safaarad ka furto Somaliland
____________________________________________________________________________

Sabti: January 14 2023

Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee Kenya Dr Alfred Mutua ayaa sheegay in dalkiisu uusan qorsheyneyn inuu safaarad ka furto Somaliland.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay safaarad ka sameysato Hargeysa, sida lagu sheegay baraha bulshada qaarkood iyo kuwa si khaldan u sheegayba,” ayuu yiri Dr Alfred Mutua.

Wuxuuna intaa raaciyey Kenya iney safaarad ku leedahay magaalada Muqdisho, siyaasadda saxda ee Kenyana ay tahay iney ilaaliso xidhiidhka walaaltinnimo ee labada dal.

Hadalka Mutua ka soo yeeray ayaa ku soo beegmaya xilli la baahiyey war sheegaya iney Kenya safaarad rasmi ah ay ka furaneyso magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan

Amar madaxweyne oo 9-ka bishan January ka soo baxay madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad iyo qunsuliyado ka furaneyso lix waddan, taasi oo qeyb ka ah iskuday lagu ballaarinayo xiriirka howlgallada diblumaasiyadeed ee ay Kenya la leedahay caalamka intiisa kale.

Amarkan, oo uu tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa lagu sheegay safaarado ama qunsuliyado inuu dalka Kenya ka furanayo magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa. 

Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. 

Lixda safaaradood ama qunsuliyadood ee cusub oo ay Kenya waddamadaasi ka furaneyso ayaa 66 gaarsiinaya tirada waddamada ay Kenya safaaradaha ku leedahay.

Xiriika diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa intii uu xilka hayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi farmaajo.

Kenya oo khilaaf uu kala dhaxeeyey maamulkii madaxweyne Farmaajo, ayaa 7-dii September 2021-kii waxay Jamhuuriyadda Iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland u magacaawday xafiis xiriiriya labada dhinac.

Inkasta oo xiriirka Somaaliya iyo Kenya uu soo hagaagay tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan ay dowladda Kenya ka dhawaajisay, wasiirka arrimaha dibadda Kenyana si kale uu u dhigay ee ah iney safaarad ama qunsuliyad ka furaneyso Hargeysa.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa marar badan isku khilaafay xiriirka ay dowladda Kenya la yeelaneyso Somaliland iyada oo aan dowladda Federaalka u soo marin.

Waxaana xusid mudan bishii June 2022-kii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirrada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.

Somaliland ayaa wakiil ku leh Nairobi, Kenyana marar badan waxay sheegtay iney Somaliland tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. Balse sanadihii u dambeeyey ayay Nairobi sare u qaadday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post