1128 Views

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga Jowhar

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga Jowhar
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 24 2020–Webiga Shabeelle ayaa fataahad hr leh oo xoogan waxaa uu ka bilaabay agagaarta tuulada Baareey oo waqooyi ka xigta magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fatahaada Wabiga ayaa timid,kadib markii buq tuulada Baareey ku taalla ay soo fakatay,waxaana ay saameyn ku yeelatay beero badan oo ku yaalla tuulada Baareey iyo degaano kale o hoostaga Magaalada Jowhar.

Dadka tuulada Baareey ayaa qaarkood waxaa ay sheegeen inay soo wajahday cabsi ballaaran, kadib markii biyaha Wabiga ay aad u soo bateen,waxaana tuuladaas iyo deegaano kale ka barakacay dadkii deganaa.

Fatahaada Wabiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe iyo roob ka da’ay Gobolkaas ayaa waxaa ay sababeen inay go’do wadada ka timaada dhinaca bari ee Magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa weli ka hadlin fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka geystay tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar & degmada Balcad, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka danta yar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post