759 Views

QM oo digniin kasoo saartay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Uganda

QM oo digniin kasoo saartay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Uganda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 12, 2021—Xilli la filayo in dhawaan dalka Uganda ay ka dhacaan doorashooyin baarlamaan iyo mid madaxtinimo ayaa waxaa jira walaac lag muujinayo inay dhacaan rabshado iyo doorasho ku dhacda xor iyo xalaal.

Qaraamada Midoobay ayaa digniin kasoo saartay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Uganda, iyaga oo ku baaqay in laga feejignaado dhibaatooyin saameyn ku yeesha bulshada.

Afhayeenka Hay’ada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha Ravina Shamdasani ayaa sheegtay in rabshadaha kajira dalka Uganda ay ka dhasheen xaalado Bani’aadanimo iyo  xayiraad lagu soo rogay musharixiinta iyo taageerayaashooda.

Waxaa ay hadalkeeda ay intaasi ku dartay in xaaladaha siyaasadeed ee xilligaan kajira dalka Uganda ay sii xoojin karaan kadib markii ay dhacayaan doorashooyinka, iyada oo ka digtay arrintaas.

Bishii November bartamaeedii ayaa dowladda Ugana waxaa ay xirtay .labada murashax madaxweyne ee mucaaradka, Bobi Wine iyo Patrick Oboi Amuriat, waxaana xarigaasi ka dhashay banaanbaxyo rabshado wata, kuwaas oo sababay geerida 54 qof welina ay jiraan rabshadaha.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post