1137 Views

Ciidamo weeraray xarunta warbaahinta qaranka ee Suudaan

Ciidamo weeraray xarunta warbaahinta qaranka ee Suudaan
____________________________________________________________________________

Isniin: October 25, 2021

Wasaaradda warfaafinta ee Suudaan ayaa sheegtay in askar ay xoog ku galeen xarunta idaacadda iyo telefishinka Omdurman oo u dhow caasimadda Khartoum.

Waxay sheegtay in ciidamada milatariga ee wada jirka ah ay halkaas ku xireen tiro shaqaale ah.

Waxaana hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post