1197 Views

Puntland oo shaacisay habraaca diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda

Puntland oo shaacisay habraaca diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa sirasmi ah waxaa ay u soo bandhigeen Hannaanka iyo Habraaca loo marayo diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed ee laga dhisayo deegaannada Puntland.

 

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku shaaciyeen in qabashada codsiyada diiwaan-gelinta, ay socon doonto mudda saddex bilood ah laga soo bilaabo 15-kii bishan December 2019 ilaa 15-ka March 2020-ka, isla markaana xilligaas wixii ka dambeeya aan la diiwan gelin doonin Ururo Siyaasadeed.

 

 

 

Sidoo kale, guddiga ayaa ka codsaday Ururada doonaya inay is diiwaan geliyaan uu codsigiisa soo raaciyo raaciyo lifaaqa ay ku jiraan 10 nuqul oo xeerka ururka ah, iyo magacyada guddiga fulinta ururka, qaab-dhismeedka ururka ay weheliyaan calaamadaha iyo hal-k-dheggiisa, cinwaanka ururka oo dhammaystiran iyo in uu bixiyo deebaaji dhan $3500 Dollar oo aan celis lahayn.

 

Hoos Ka Akhriso Habraaca ay soo saareen guddiga oo dhameystiran.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment