1287 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda QM

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 31, 2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta ee Xafiiska Xoghaya Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo.

Madaxweyne farmaajo ayaa   uga mahadceliyey taageerada Qaramada Midoobay  ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay DiCarlo ayaa sheegatay in hoggaamineed ay ka qaadanayaan iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.

Rosemary DiCarlo, ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment