558 Views

Gudoomiye Madoobe oo Sheegay in Lagu laabanayaa Doorashadii Fahad Yaasiin iyo Mahad salaad

Gudoomiye Madoobe oo Sheegay in Lagu laabanayaa Doorashadii Fahad Yaasiin iyo Mahad salaad
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 22, 2022

Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa dib ugu laabanaya Doorashada labo kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka oo kala ah HOP#086 & HOP#147.

Labadaan kursi ayaa deegaan doorashadoodu ah Magaalooyinka Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo ah caasimadda DG Galmudug.

HOP#086: Kursigaan waxaa kahor inta aan la qaban Doorashadiisa joojiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal (FEIT) balse waxaa Baladweyne kasoo qaatay Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin Xaaji Daahir) 20kii Febaraayo 2022 ugu dambeyn guddiga ayaa baaba’iyay natiijada kursigaas.

HOP#147: Mahad Maxamed Salaad ayaa kursigaan ku guuleystay 17kii Febaraayo 2022, balse sababta dib loogu laabanayo dib u doorashada Kursiga ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay Agaasimaha NISA, Sida uu dastuurka dhigayo qabashada xilkaas ayuu ku waayay xubinnimada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Doorashada labadaan ee kala ah HOP#086 & HOP#147 la qaban doono inkasta oo uusan sheegin waqtiga rasmiga ah, waxuuna Hadalkaan u Sheegay mid ka mid ah Warbaahinta Gudaha

Marka la doorto labadaan kursi HOP#086 & HOP#147 waxaa Xarunta Golaha Shacabka lagu dhaarinayaa Xildhibaannada guuleysta oo isla goobta lagu siin doono shahaadooyinka muujinaya kamid noqoshada Hay’adda Xeer dejinta Dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post