651 Views

Shuute Cabdullaahi oo Goordhowayd oo lagu Dilay bartamaha Magaalada Beledweyne

Shuute Cabdullaahi oo Goordhowayd oo lagu Dilay bartamaha Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay geysteen rag ku hubeysnaa bistoolado, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa loo geystay marxuum Shuute Cabdullaahi oo si weyn looga yaqiinay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda ee ka howlgala halkaasi, waxaana toogasho ku dishay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo howlgallo kooban lq sameeyey xaafado ka tirsan magaaladaasi.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post