813 Views

Guddiga Farsamada doorashooyinka oo kulan la qaatay mas’uuliyiin katirsan Xisbiyada

Guddiga Farsamada doorashooyinka oo kulan la qaatay mas’uuliyiin katirsan Xisbiyada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-13-2020–Shir looga hadlayo Doorashada Soomaaliya iyo Hanaanka looga guuri karo doorashadii 2016-kii ka dhacday dalka ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah talo wadaag iyo su’aalo waydiin toos u dhexmaraysa mas’uuliyiin katirsan Xisbiyada kajira dalka iyo Guddiga Farsamada ee Ka Baaraandeggidda Tallooyinka, Hanaanka & Habsami u socodka Doorashooyinka Dalka,waxaa doodaga dhinacyadaasi ay kusaleysan Doorasho Nooce ah ayaa ku habboon in laga hirgeliyo dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u ansaxiyay Doorasho Qof iyo Cod balse waxaa markiiba uu sharcigaasi soo wajahay soo dhoweyn la’aan baaxad leh oo la xiriirta suurtagalinta daruufaha amniga ee ku xeeran ee waqtiga iyo sida ay u qabsoomi karto.

Shirar wadatashi oo ku aadan isla qaadashada doorasho lo odhanyahay ayaa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee Galmudug iyadoo wejigii sadexaad ee shirka wadatashiga Doorashada Soomaaliya loo ballansan yahay 15-ka bishan August oo ku beegan maalinta sabtida ee nasoo aadan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post