1131 Views

Saldhig ay lahaayeen Ciidamada Somaliland oo markale la weeraray

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 06,, 2019 —Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay markale ay rag hubeysan weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo socday muddo saacad ku dhow sida ay Warbaahinta u sheegeen dad ku sugan Magaalada laas-Caanood.

Ila iyo  hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana la sheegay inay weerarkasi ka dambeeyay Jabhad diidan joogitaanka Ciidanka Soomaaliland Gobolka Sool ta soo uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo Col. Faysal Falaalug.

Habeenkii Axada ee todobaadkaan ayay aheyd markii Rag hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen Jabhada Col. Faysal Falaalug ay weerareen Saldhig Ciidamada soomaaliland ku leeyihiin Buurta Sayidka ee duleedka Laas-Caanood, hayeeshee taliska Booliska Gobolkaas ay sheegeen inay qabteen rag ka mid ah raggii weerarka geystay iyo hubkooda.

Soomaaliland ayaa dagaal iyo kacdoon waxaa uu kaag furan yahay deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag,waxaana xusid mudan in dhawaan deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ay dhawan ku wada dagaalameen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda Korneel Caare oo dagaal kula jira Maamulkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment