1137 Views

Wasaaradda Waxbarashada oo la wareegtay Iskuulo ku yaalla Muqdisho

Wasaaradda Waxbarashada oo la wareegtay Iskuulo ku yaalla Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Iskuulada Al-macaarif iyo Al-Mathal markii horana la isku dhihi jiray 2-ka October oo ku yaala Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa si rasmi ah maanta dib ula wareegay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

Agaasimaha Guuud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Agaasimaha Waxda Dugsiyada Dalka ayaa lagu wareejiyay waxaana talaabadaan tahay mid muujineysa in Dowladda ay fursad u heshay nidaam Waxbarsho oo dowli ah in Dalka uu ka hirgalo, waxaana haatan xarumo waxbarasho oo ay kal hore dowladdu la wareegtay wax lagu baraa carruur Soomaaliyeed oo waalidiinta awoodin inay geeyaan goobaha waxbarashada ee sida gaarka ah loo leeyahay..

 

 

 

Agaasimaha dugsiyada Dalka Muuse Maxamed Caraalle ayaa ardayda iyo walidiinta u cadeeyay in labadaan iskuul ee lala wareegay si lacag la’aan ah ardayda wax loogu bari doono..

 

Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya waxa ay toos ula soo wareegtay ilaa 25 iskuul, iyadoo qorshaha Wasaaradda uu yahay in dhamaann goobihii waxbarashada ee dalka ku bur buray ay la wada wareegto,

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment