1128 Views

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kulan la qaatay Madaxa UNDP

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kulan la qaatay Madaxa UNDP
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta Madaxtooyada  Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason iyo saraakiil kale.

 

Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland gaar ahaan mashruuca JPLG oo uu Mason ka hambalyeeyey sida habsamida leh ee dowladdu u wado iyo guulaha la gaaray.

 

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay siday uga go’an tahay Dowladda Puntland inay maamul daadejinta gaarsiiso degmooyin hor leh oo aanay horay u gaarin mashaariicda barnaamijkan, dhaqaale uruurin iyo isku tashi gudaha ahna samayneyso dawladdu sidoo kale wuxuu xusay inay muhiim tahay hay’adaha JPLG ku shaqo leh inay u qareemaan sidii taageero loosiin lahaa dawladda si ay hiigsigeeda u gaarto.

 

Dhankiisa Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason waxa uu bogaadiyay sida habsamida leh ee Puntland uu uga hirgalisay mashruucaan JPLG, wuxuuna sheegay in hadda loo hayo dhaqaale JPLG, lana sii wadi doono u qareemida shaqadan wanaagsan ee bulshada loo wado.

 

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga wada hadlay in UN-ku ay taageero ka gaystaan arrimaha doorashooyinka ee dawladdu ka fulin doonto Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment