873 Views

Tababarkii ugu horreeyey oo loo furay ciidamo kumaandoos Soomaali ah

Tababarkii ugu horreeyey oo loo furay ciidamo kumaandoos Soomaali ah
____________________________________________________________________________

[Qaranimo Online] January 7, 2021 Jariiradada Daily Sabah ee laga leeyahay Turkiga, oo soo xiganeysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa sheegtay in Dowladoodu ay tababar siineyso 150 askar Soomaali ah, oo loo tababarayo in ay bud dhig u noqdaan ciidamada Komaandooska Soomaaliya, waxaana tababarkaasi uu billowday 21 December 2020.

Dowladda Turkiga ayaa si joogta ah u garab taagneyd Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey 2011 xilligaas oo ay ku beegneyd socdaal taariikhda galay oo Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ku yimid Muqdisho, waxaanna Turkigu uu qayb wayn ka qaatay dib u yagleelida ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, iyada oo ilaa haatan horumar wayn laga  gaaray dhismaha haykal ciidan hannan kara soo celinta sharaftii & dowladnimadii Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post