114 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xogheyaha Guud ee QM Kala Hadlay Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xogheyaha Guud ee QM Kala Hadlay Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadishu – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa oo khadka telefanka ku wada hadlay ayaa xoogga saaray xaaladda gobolka iyo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda siduu hore ugu dhowaaqay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xiriirro kale duwan la sameeyay madaxda caalamka tan iyo markii ay soo baxday damaca dowladda Itoobiya eek u aadan Badda Soomaaliya, waxaana marba marka xigta soo baxayay dowladaha taageerada u muujinayay Soomaliyae e cadeeyay mowqifkooda ar ka qabaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar ugu anbabaxo dalka Masar oo casuumaad rasmi ah uu ka helay hoggaamiyaha dalkaasi, waxaana lagu wadaa inuu la qaato kulamo kale duwan, Masar ayaa hore u cambaareysay xadgudubka dowladda Itoobiya ay wado.

Wadahadalka madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa imaanaya xilli diidmada Shacabka iyo dowladba ee ku aadan damaca dowladda Itoobiya uu gaaray halkii ugu sareysay waxaana laga soo saaray sharci lagu burinayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post