552 Views

Doorashada kuraasta golaha shacabka ee taala Gaalkacyo oo la shaaciyay

Doorashada kuraasta golaha shacabka ee taala Gaalkacyo oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 17, 2022

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta taal Gaalkacyo, waa deegaan doorashadii labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kuraasta ayaa waxaa ka mid ah

1: Hop#001 oo kursigaan uu ku fadhiyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax)

2: Hop#018 oo uu hadda ku fadhiyo Qaasim Maxamed Jaamac.

3: Hop#038 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

4: Hop#101 ayaa waxaa hadda ku fadhiya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xersi Aadan Rooble.

5: Hop#060 oo ay ku fadhiday Ubax Tahliil Warsame.

6: Hop#095 oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac).

7: Hop#069 oo uu hadda ku fadhiyay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

8: Hop#017 oo ay ku fadhiso Duniya Maxamed Cali.

9: Hop#020 oo uu ku fadhiyo Cali Axmed Shariif Cusmaan.

10: Hop#013 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay fadhiso Maryan Maxamed Xuseen.

11 Hop#021 oo ay ku fadhido Maryan Xaaji Cabdi Geedi.

11 kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah kursiga #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaan Odawaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post