1728 Views

Ciidanka xoogga oo kala qaaday maleeshiyaad 6 sano is hor fadhiyay

Ciidanka xoogga oo kala qaaday maleeshiyaad 6 sano is hor fadhiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, 2018–Guutada 14-ka Octobea ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in la kala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyaadka ka soo saaraan daaro dhaadheer oo muddo dhufeyso iyo aagag dagaal u ahaa labada dhinac, waxaana ugu dambeyn la isugu keenay barxad weyn oo ku taala bartamaha magaalada.

Saraakiisha Ciidanka ayaa halkaas kula hadlay melayshiyaadkaas, iyagoona ku wacyi geliyey ilaalinta nabadda, qiimaha dowladnimada iyo in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Horjoogeyaashii kooxahan dirirtu ku dhex martay magaalada Marka ayaa soo bandhigay dhibaatada iyo nolol xumida ay ka dhaxleen colaadda soo jiitamaysay muddada 6-da sano ah, iyagoona ballan qaaday in ay ka shaqeynayaan horumarinta deegaankooda iyo xoojinta isku duubnida bulshada magaalada Marka.

Sidoo kale, waxgaradkii magaalada Marka ee goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in colaaddan ay ahayd mid ay ka shaqeeyeen Al Shabaab, balse haatan loo midoobay sidii Shabeellaha Hoose oo dhan looga xoreyn lahaa Al Shabaab.

Dhinaca kale, shacabka magaalada Marka ayaa isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada si ay u muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ku aaddan heshiisiinta dadkan walaalaha ah iyo dib u soo celinta isu socodka magaalada.

 

0000000001 00001 00000000002. 000002

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment