780 Views

Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle oo kulan yeeshay

Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle oo kulan yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2021—Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo ku guda Jira Kalfadhiga 1aad ayaa Fadhigiisa 15 kuyeeshay Caasimada Hir-Shabelle ee Magaalada jowhar

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa Ajendahiihu ahaa sii wadida Akhrinta Xeer Hoosadka Baarlamaanka, iyada oo Xoghayaha Guud ee Golaha Cabdiwaxiid Maxamed Xusseen (Wadaariyad) uu Xildhibaanada kahor Akhriyey dhamaan cutubyada Xeer Hoosadka Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Xildhibaanada ayaa soo jeediyey in Xeer Hoosadka lagu dhaqmo si shaqada Baarlamanka u noqoto mid hufan oo si habsi leh

Ugu dambeyn Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa soo xiray Fadhiga isagoo xildhibaanada ku wargeliyey in akhrinta Xeer Hoosadka ay soo gabo gabowday.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post