1695 Views

Laamaha amaanka Kenya oo ka hortagay isku day ay alshabaab ku doonayeen inay ku weeraraan xero boolis.

Laamaha amaanka Kenya oo ka hortagay isku day ay alshabaab ku doonayeen inay ku weeraraan xero boolis.
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Laamaha amaanka Kenya ayaa ka hortagay isku day ay Dagaalamayaal ka tirsan alshabaab ku doona yeen inay ku weeraraan xero boolis oo ku taala deegaanka Elram ee magaalada Mandheera.

Saraakiisha ayaa sheegay in Maleeshiyada Al shabaab ay habeenimadii talaadada dhowr xabadood ku dhufteen xerada maxalliga ah ee ka hortagga Burcada  taasoo keentay jawaab ka timaada kooxaha amniga ee ku sugnaa deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiray is weydaarsi rasaas culus oo socotay ku dhowaad 10 daqiiqo ka hor inta aysan dib uga laaban saldhiga kooxdii halkaasi soo weerartay.

Xeradan ayaa ah mid ugub ah isla markaana bartilmaameed u ah Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in ay wadaan qiimeyn dhinaca dadka deegaanka si ay u ogaadaan hadii ay jiraan cid wax ku noqotay is rasaaseentaasi.

Laakiin sarkaal Kenyan ah ayaa sheegay in isku dayga noocan oo kale ah uu noqday mid caadi ah oo lagu bartilmaameedsado saldhigyada cidamada Kenya ee dhow xadka Somalia ay la wadaagto Kenya.

“Waxay si joogto ah u bartilmaameedsadaan xeryaha amniga si ay u bartilmamaysadaan saraakiisha halkaasi ku sugan iyo qalqalgelinta amaanka. Waxaan ognahay in qaar haraadiga Al shabaab ah ay ka hawlgalaan Mandera oo ay wali saraakiisha Kenya ku raad joogaan sidii loo soo qaban lahaa ”ayuu yiri sarkaal la socday sida ay wax u dhaceen.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay in wax dhaawac ah aan laga soo sheegin dhinaca ciidamadii Kenya ee iska caabiyay dagaalamayashii Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post