1011 Views

Dadka uu ka dhacay Corona Virus oo kor u dhaaftay Labo Milyan

Dadka uu ka dhacay Corona Virus oo kor u dhaaftay Labo Milyan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 15 2020 –Dadka uu soo ritay Cudurka Corona Virus ee Caalamka ayaa kor u dhaaftay 2 Milyan ee ruux sidda ay ku warameen Jaamacaddaha kor kala socda Cudurka Corona Virus.

 

Qiyaastii 2,004,383 oo dad ah oo ku nool daafaha dunida ayaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus.

 

 

 

Sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins, In kabadan 126,500 ayaa dhintey, halka ku dhawaad ​​486,500 ay soo kabsadeen.

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jaraya dhaqaallaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee ku saabsan wax ka qabashada masiibada. Mareykanka ayaa ah kaaliyaha ugu weyn ee miisaaniyadda WHO.

 

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxay leedahay dhaqaalaha adduunka waxaa la rajeynayaa inuu hoos u dhaco 3 boqolkiiba sannadkan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment