939 Views

Kenya oo hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Talyaaniga

Kenya oo hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —Dowladda Kenya ayaa hakisay duulimaadyada tooska ah ee dalkaas uga yimaada dalka Talyaaniga cabsi laga qabo Cudurka dhibaatooyinka faraha badan ku haaya Caalamka ee Coronavirus.

 

War kasoo baxay Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa lagu shaaciyey in Kenya hakisay duulimaadyadii uga imaan jiray Talyaaniga gaar ahaan kuwii tooska ahaa ee Talyaaniga ilaa iyo Nairobi.

 

 

 

Warka Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in Arrintan ay timid kaddib wada tashi ay dowladdu la yeelatay safaaradda Talyaaniga uu ku leeyahay Nairobi maadaama Talyaaniga uu kamid noqdey dalalka laga helay Cudurka Coronavirus.

 

Magaalooyin badan oo kamid ah gaar ahaan kuwa ku yaalla dhinaca Xeebta oo kala ah Kilifi, Malindi iyo Watamu ayaa waxaa inta badan howlo dalxiis u yimaada dad dhalasho ahaan ka soo jeedo Talyaaniga,waxaana warkaan kasoo baxay Dowladda Kenya uu ku yeelan doonaa saameyn ballaaran.

 

Si kastaba Dowladda Kenya ayaa horay u shaacisey in la xadiday duulimaadyadii uga imaan jiray dalalka wadamada Italy, Kuuriyada Koonfureed iyo Iiraan,iyada oo la bilaabay in la karantiilo dadka ka imaanaya dalalkaas muddo 14 cisho ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment